Adeeg Wanaag-logo

Adeeg Wanaag

Government

Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However, even those government services that do exist fail to serve people effectively. Access to public services is a fundamental right for Somali citizens. Join Aweis Ahmed, the director of the SPA Policy Lab, and his guests, who will intensely discuss the public service matters in Somalia in the Adeeg Wanaag podcast.

Location:

Somalia

Description:

Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However, even those government services that do exist fail to serve people effectively. Access to public services is a fundamental right for Somali citizens. Join Aweis Ahmed, the director of the SPA Policy Lab, and his guests, who will intensely discuss the public service matters in Somalia in the Adeeg Wanaag podcast.

Language:

Arabic


Episodes
Ask host to enable sharing for playback control

Wacyiga Bulshada ee Xanuunnada Nafsiga ah & Daweyntooda

4/17/2024
Dagaallada sokeeye waxay sababeen burbur xooggan oo ku yimid guud ahaan adeegyada caafimad ee dalka, gaar ahaan adeegyada caafimaad ee la xiriira xanuunnada dhimirka ku dhaca. Daraasaddii ugu dambeysay ee degmooyin kamid ah dalka laga sameeyay waxa ay sheegtay in 77% dadka Soomaaliyeed ay la daaladhacayaan xanuunnada nafsiga ah, kuwaasoo ay sababeen duruufaha khalafsan ee ay sababeen colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah. Qeybtan 19-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa ay Aweys Axmed & Dr. Axmed Jaamac Shidane oo ah dhakhtar ku takhasusay xanuunada nafsiga ku falanqeynayaan guud ahaan xanuunada maanka ku dhaca, wacyiga bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan xanuunnadan, sida ay tahay in ay ula falgalaan iyo adeegyada caafimaadka ee la heli karo. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Duration:00:44:55

Ask host to enable sharing for playback control

Saameynta Tartanka Cayaaraha Dowlad-goboleedyada & Gobolka Benaadir

3/3/2024
Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo dhawaan lasoo gabagabeeyay ayaa wuxuu yeeshay saameyn togan iyo mid taban. Podcast-gan waxa ay Aweis Axmed iyo Xuseen Maxamed Hadaafow oo weriye arrimaha cayaaraha ah ku falanqeynayaan guud ahaan tartankaasi qabashadiisa, natiijoonkii ka dhashay iyo mustaqbalka tallaabooyinka ay tahay in la qaado si qabashada tartamada iyo habsmi-u-socodkooda sare loogu sii qaado. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Duration:00:59:37

Ask host to enable sharing for playback control

Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya

2/7/2024
Isbeddelka cimiladda ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dunida guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya. Isbeddelka cimilada waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo bulsho. Si looga hortago ama xal loogu hesho saameynta isbeddelka cimilada, waxaa la sameeyay dadaallo isugu jira shirar sanadle ah, dhaqaale loo qoondeeyay, iyo siyaasado ku aadan arrimahan oo la dejiyay. Qeybtan 17-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa saameynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya iyo hababka lagu wajahi karo. Waxaa marti ku ah Dr. Cabdullaahi Cilmi Maxamed oo ah khabiir culuumta deegaanka iyo biyaha ah, kana shaqeeya howlaha la xiriira arrimaha deegaanka. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Duration:00:38:02

Ask host to enable sharing for playback control

Bixinta Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha

12/10/2023
Kadib buburkii dalka ka dhacay sanadkii 1991, waxaa meesha ka baxay nidaamkii kaararka aqoonsiga dadweynaha, kaasoo udub dhexaad u ahaa helidda adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waraaqaha socdaalka iyo sido kale cashuur bixinta. Hay’adda Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan la dhisay ayaa bilowday bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha. Podcast-gan, Maareeye ku xigeenka Hay’ada Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Cabdullahi Biixi Xuseen & Aweis Axmed oo ah Agaasimaha SPA Policy Lab & martigeliyaha Adeeg Wanaag Podcast ayaa ku falanqeynaya bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Duration:00:59:07

Ask host to enable sharing for playback control

Dhismaha & waxqabadka golayaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle

11/22/2023
Inkastoo dhismaha dowlad-goboleedyada lasoo gababeeyay 2016-ka, dhismaha goleyaasha deegaanka lagama gaarin guulo wax-ku-ool ah. Goleyaasha deegaanada hadda dhisan oo tiro ahaan kooban ayaa la kulma caqabado badan. Sidoo kale waxaa jira caqabado lagala kulmo hannaanka dhismaha goleyaasha degaanada. Somali Public Agenda ayaa daabacday faallo ku saaban hannaanka dhismaha iyo waxqabadka goleyaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle. Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed iyo Farxaan Isxaaq Yuusuf ku falanqeynayaan nuxurka warbixinta. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Duration:00:39:00

Ask host to enable sharing for playback control

Kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee Tageeridda Barakacayaasha

9/30/2023
Gudaha Soomaaliya waxaa ugu barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wacan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas oo lagu qiyaasay 1.4 malyan ayaa ku sugan gobolka Benaadir iyo hareerahiisa. Sidoo kale, tiro badan oo barakacayaasha kamid ah ayaa la sheegaa in ay kasoo jeedaan beelaha laga tirada badan yahay, kuwaasoo dhibaatada barakaca ay u dheer tahay dhibaatooyinka bulshada ay kala kulmaan. Barakacayaasha kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ayaa culeysyo kala kulma helidda adeegyada asaasiga ah oo ay bixiyaan hay’adaha gargaarka iyo hay’adaha dowladda. Sidoo kale, dadkaasi waxa ay dhibaato kala kulmaan isdhexgalka bulshada degaannada ay kusoo barakaceen, gaar ahaan Muqdishu iyo hareeraheeda. Maamulka Gobolka Benaadir, gaar ahaan xafiiska Xalka Waara, ayaa ah hay’adda ka masuulka ah in xal waara loo helo dadka gobolka kusoo barakacay. Sidoo kale, xafiiska waxa uu kaalin ku leeyahay isku xirka maamulka gobolka Benaadir, dowladda federalka ah, deeq bixiyeyaasha caalamiga ah, hay’daha gargaarka, bulshada rayidka iyo dadka barakcayaasha ah. Podcast-gan waxa Zaynab Axmed oo ah Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Maamulka Gobolka Benaadir iyo Aweys Axmed oo ah Agaasimaha SPA Policy Lab ay ku falanqeynayaan kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee taageeridda beelaha laga tirada badan yahay ee barakacayaasha kamid ah iyo ururrada bulshada rayidka ah ee u dhaqdhaqaaqa guud ahaan beelaha la heyb sooco. Podcast-gaan waxaa iska kaashaday Somali Public Agenda, ReDSS (Regional Durable Solutions Secretariat), Danwadaag Consortium iyo USAID. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Duration:00:54:05

Ask host to enable sharing for playback control

Falanqeyn sanad-waxbarasheedka asaasiga ah ee jaamacadaha lagu kordhinayo

9/21/2023
Soomaaliya ayaa wajaheysa caqabado joogta ah oo la xiriira tayada waxbarashada sare. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyada oo ka duuleysa caqabadahaas waxa ay dhawaan soo saartay amar ah in laga billaabo sanad-dugsiyeedka 2023/2024 ay ardayda jaamacadaha qaataan sanad dheeraad ah oo aasaaskooda lagu dhisayo. Amarka ayaa soo baxay xilli billaabashada sanad-dugsiyeedka uu dhawaa. Qeybaha bulshada ee amarkan uu khuseeyo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay. Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday faallo lagu falanqeeyay amarka Wasaarada Waxbarashada kasoo baxay, walaaca laga muujiyay, iyo saameynta taban iyo midda togan ee uu ku yeelan karo qeybaha bulshada ee uu amarka khuseeyo. Podcast-gan waxa ay Aweis Axmed oo ah martigeliyaha Adeeg Wanaag Podcast ee Somali Public Agenda & Farxaan Isxaaq Yuusuf oo ah qoraha faallada ku falanqeynayaan nuxurka faallada iyo talooyinka lasoo jeediyey ee tixgelinta mudan. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Duration:00:28:22

Ask host to enable sharing for playback control

Kaalinta ururrada bulshada rayidka beelaha laga tirda badan yahay ee isku xirka barakacayaasha, haya’daha samafalka iyo dowlada

8/30/2023
Gudaha Soomaaliya waxaa ku barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni-darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wanaagsan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas ayaa ku sugan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda. Sidoo kale, tiro badan oo barakacayaasha kamid ah ayaa la sheegaa in ay kasoo jeedaan beelaha laga tirada badan yahay, kuwaasoo dhibaatada barakaca ay u dheer tahay dhibaatooyinka bulshada ay kala kulmaan. Barakacayaasha kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ayaa culeysyo kala kulma helidda adeegyada asaasiga ah oo ay bixiyaan hay’adaha gargaarka iyo hay’adaha dowladda. Sidoo kale, dadkaasi waxa ay dhibaato kala kulmaan is-dhexgalka bulshada deegaannada ay kusoo barakaceen, gaar ahaan Muqdishu iyo hareeraheeda. Mid kamid ah siyaabaha dhibaatooyinkaas loo xallin karo ayaa ah ururrada bulshada rayidka ah ee u dhaqdhaqaaqa beelaha laga tirada badan yahay in ay cayaraan kaalinta isku xirka baahiyaha dadkaas iyo hay’adaha gargaarka, kuwa dowladda iyo bulshada lagusoo barakacay. Podcast-gan waxaa lagu falanqeynayaa dhibaatooyinka ay kala kulmaan dadkaas barakacayaasha ah helidda adeegyada asaasiga ah, iyo kaalinta ay ka ciyaari karaan xal-u-helida arrimahaas ururrada bulshada rayidka ah ee u dooda beelaha laga tirada badan yahay. Waxaa marti ku ah Yusuf Cabdi Xasan oo ah agaasimaha hay’da Livelihood Relief and Development Organization (LRDO), oo ka mid ah haya’adaha bulshada rayidka ah ee u dooda beelaha laga tirada badan yahay. Podcast-gan waxaa iska kaashaday Somali Public Agenda, ReDSS (Regional Durable Solutions Secretariat), Danwadaag Consortium iyo USAID. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Duration:01:01:08

Ask host to enable sharing for playback control

Kaltanka Bajaajyada ee A & B

7/26/2023
Magaalda Muqdisho oo kasoo kabaneysa burburkii dagaallada, ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka muuqday isbdello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha iyo gaadiidka. Isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira. Hadaba si loo xakmeeyo culeysyada kala duwan ee isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira, maamulka gobolka Benadir ayaa soo saaray go’aan mooto bajaajta magaalda ka shaqeysa loogu qeybiyay labada qayb ee A iyo B. Go’aankaasi inta uu hirgalay waxaa kasoo wareegatay muddo ku dhaw bilood. Podcast-gan waxaa lagu falanqeynayaa go’aanka maamulka gobolka uu mooto bajaajta magaalda ka shaqeysa ugu qeybiyay A iyo B, iyo waxyaabihii ka dhashay, qorshyaasha xiga iyo guud ahaan culeysyada ku xeeran isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho. Waxaa marti ku ah Cabdirashid Ibrahim Maxamed, oo ah Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Benadir, ahna Guddomiyaha Guddiga Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Caasimadda. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Duration:00:28:17

Ask host to enable sharing for playback control

Adeegga Xajka iyo Kaalinta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

5/15/2023
Adeegga Xajka waxa uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan oo ay Wasaarada Awaqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka u qabato muwaadiniinta Soomaaliyeed. Hase ahaatee, xujeyda Soomaaliyeed ayaa culeysyo kala duwan ka sheegta guud ahaan howlaha adeegga Xajka, qiimaha lagu jaangooyo xajka, iyo adeegyada ay ka heelaan shirkadaha qandaraaska ku qaata adeegga Xajka. Haddaba iyadoo billaabashada howlaha Xajka ay naga xigto muddo bil ah, ayaa waxaa podcast-gan lagu falanqeynayaa guud ahaan adeegga ay qabato Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, gaar ahaanna arrimaha adeegga Xajka. Waxaa marti ku ah Maxamed Xaaji Ibraahim Cali, oo ah Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta Arrimaha Diinta. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Duration:00:33:51

Ask host to enable sharing for playback control

U daadejinta canshuurta & adeegyada bulshada dowladaha hoose

4/29/2023
Soomaaliya waxa ay qaadatay nidaamka federaalka kadib markii uu guuldareystay hannaankii dowladda dhexe, kaasoo adeegyada bulshada dowladda dhexe ay maamuli jirtay. Nidaamka federaalka, oo looga gol leeyahay in lagu daadejiyo awoodda iyo adeegyada bulshada si loogu dhaweeyo dadweynaha, ayaa waxaa saameeyay nidaamkii dhexe ee dalka ka jiray. Nidaamka Federaalka ayaa waxaa awoodda iyo maamulka adeegga dadwweynaha maamula inta badan dowlad-goboleedayada, halka ay aheyd in dowladaha hoose loo daadejiyo si loo gaaro dadweynaha. Somali Public Agenda ayaa daabacday daraasad ku saabsan daadejinta canshuuraha iyo adeegyada bulshada dowladaha hoose ee Puntland, Galmudug iyo Benadir, caqabadaha ku geedaaman iyo sida looga gudbi karo. Podcast-gan, waxa ay qoraaga daraasadda Farxaan Isxaaq Yuusuf iyo Aweys Axmed ku falanqeynayaan natiijada daraasadda. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Duration:00:29:40

Ask host to enable sharing for playback control

Helitaanka Warqadaha Aqoonsiga ee Dowladda

3/9/2023
Adeegyada ugu muhiimsan oo ay dowladuhu bixiyaan waxaa kamid ah in muwaadiniinta la siiyo dukumintiyada aqoonsiga dowladeed sida baasaboorrada, shahaadooyinka dhalashada, shatiga wadista baabuurta, iyo shahaadooyinka caddeynta dambi la'aanta. Aqoonsiyada dukumintiyada dowladeed ee Muqdisho laga bixiyo ayaa waaa bixiya hay'ado dowladeed iyo waaxyo hoos yimaada wasaaradaha amniga, gaadiidka, iyo sidoo kale dowladda hoose ee Muqdisho. Dadweynaha ku nool magaalada ayaa culeysyo kala duwan kala kulma helidda waraaqaha aqoonsiga oo ay dowladdu bixiso. Dhibaatooyinkaas waxa ay si gaar ah ugala kulmaan xafiisyada dowladda ee bixiya adeegyadan. Podcast-gan, Aweys Axmed iyo Maxamed Aadam ayaa ku falanqeynaya faallo ay dhawaan daabacday Somali Public Agenda oo ka hadleysay culeysyada lagu qabo helitaanka waraaqaha aqoonsiga ee dowladda. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Duration:00:26:27

Ask host to enable sharing for playback control

Sababa iyo Xalka Culeysyada Isu-socodka Dadka iyo Gaadiidka Muqdisho

3/4/2023
Magaalda Muqdisho waxaa sanadihii dambe ka muuqday isbedello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha, gaadiidka, maalgashiga ganacisga, iyo adeegyada kale ee dadweynaha. Hase ahaatee, isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira, kuwaasoo ay dadweynaha magaaladu la kulmaan. Dadweynaha magaalada ayaa dhibaato kala kulma in ay goobo isku dhaw oo gudaha magaalada ah isaga kala gudbaan. Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacday faallo falanqeyneysa caqabadaha ku xeeran isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho iyo saameynta ka dhalan karta. Podcast-gan waxa Maxamed Aadan, oo ah qoraaga faallada iyo sidoo kale maamulaha doodaha iyo cilmibaare katirsan Somali Public agenda, iyo Abdishakur Cawil, oo ah cilmibaare arrimaha qorsheynta iyo maareynta dhulalka iyo magaalooyinka, ay ku falanqeynayaan culeysyada ku xeeran isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho, saameynta ka dhalan karta iyo xalka. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Duration:00:31:50

Ask host to enable sharing for playback control

Sare-u-kaca Kirada Guryaha Muqdisho

2/8/2023
Magaalada Muqdisho ayaa aheyd magaalada ugu dadka badan Soomaaliya tan iyo markii magaaleynta xowliga ah uu ka bilowday sanadkii 1960-kii. Dagaalladii kala duwanaa ee tan iyo 1990-kii dhacayay iyo barakacii ka dhashay kadib, dad badan ayaa magaalada kusoo laabtay, oo ay ku jiraan qaar ka yimid dalalka dibadda, kadib markii ay al-Shabaab ka baxeen magaaladd sanadkii 2011. Kusoo laabashada dadkii hore uga barakacay magaalada iyo kuwa cusub ee kusoo biiray waxaa ka dhashay in qiimaha dhulka iyo kirada guryaha uu sare-u-kac ku yimaado. Dhanka kale, dhaqaalaha dalka oo liita iyo dakhliga soo gala bulshada oo yar awgood, waxaa adag in qoysas badan ay guryo yeeshaan ama ay noqdaan dad si rasmi ah ugu negaada meelaha ay daggan yihiin. Somali Public Agenda ayaa daabacday faallo ku saabsan sare-u-kaca kirada guryaha Muqdisho. Podcast-ga arrimahaas ayaa lagu falanqeynayaa. Waxaa marti ku ah qoraaga faallada Maxamed Aadan oo ka tirsan Somali Public Agenda iyo Xasan Cabdi Xasan, oo ah cilmibaare arrimahan u dhuundaloola. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Duration:00:31:08

Ask host to enable sharing for playback control

Shaqaaleysiinta Dhallinyarada: Tayo-yarida Tacliinta Sare Miyaa Ka Qeyb Qaadanayso Shaqo La’aanta Dhallinyarada Muqdisho?

1/21/2023
Soomaaliya oo leh mid kamid ah shucuubta ugu da’da yar adduunka ayaa haddana kala bar dhalinyarada ay da’doodu ka yar tahay 30-ka sano ay yihiin kuwo shaqo la’aan ah, kadib marka ay tacliinta sare dhammeystaan. Dhinaca kale, dalka waxa uu kasoo kabanayaa dagaallo sokeeye oo daba dheeraaday oo saameeyay tayada tacliinta sare. Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay si kumeelgaar ah u dhistay Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare sanadkii 2019 si loo hagaajiyo tayada tacliinta sare. Hase ahaatee, guddigan ayaa weli ah mid aanay shaqadiisu miradhal ahayn marka loo eego heerka tayada tacliinta sare ee dalka ee hoos usii socota, halka heerka shaqo la’aanta dhallinyaradu ay sii kordheyso maalinba maalinta ka dambeysa. Podcast-gan oo ay marti ku yihiin Maxamed Aadan, oo ah isku-duwaha doodaha iyo cilmibaare katirsan Somali Public agenda, iyo Farxaan Isaaq Yuusuf, oo ah agaasime ku xigeenka Somali Public Agenda waxaa lagu falanqeynayaa xiriirka ka dhexeeya shaqo laáanta baahsan ee dhalinyarada tacliinta sare dhameysatay iyo tayada waxbarashada ay bixiyaan hay’adaha tacliinta sare ee Muqdisho. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Duration:00:27:30

Ask host to enable sharing for playback control

Daadejinta adeegga waxbarashada ee gobolka Benaadir iyo muranka ka taagan

12/20/2022
Somaaliya waxa ay qaadatay nidaam federaal ah, kaasoo hirgelintiisu ay si muuqata u socotay tan iyo sanadkii 2013. Hase ahaatee, gobolka Benadir oo aan maqaamkiisa weli la cadeynin ayaa adeegyada dadweynaha waxaa bixinayay wasaarado kala duwan oo heer federaal ah. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka ayaa billowday in ay adeegga waxbarashada ee gobolka Benadir u daadejiso Maamulka Gobolka Banaadir kadib is-afgarad labada dhinac ay ku kala saxiixdeen Muqdisho. Guulo kooban ayaa laga gaaray u daadejinta maareynta waxbarashada ee maamulka gobolka Banaadir. Hase ahaatee, hirgelinta Is-afgaradka ayaanan si habsami leh u socon. Waxaa hareeyay dhibaatooyin inta badan ka yimid kharashaadka dugsiyada dowladda iyo maamulkooda. Khilaafka ayaa weli taagan iyadoo aan la xalin, inkastoo dhinacyadu ay sameeyeen dadaallo aan lagu guuleysan in lagusoo afjaro khilaafka. Somali Public Agenda ayaa dhawaan faallo qoto-dheer oo ku saabsan arrinkan daabacday. Waxa podcast-gan ay Farxaan Isxaaq Yuusuf oo ah agaasime ku xigeenka Somali Public Agenda iyo qoraaga faallada iyo Aweys Axmed ku falanqeynayaan nuxurka faallada. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Duration:00:27:38

Ask host to enable sharing for playback control

Naqsahadeynta xalka waara ee Soomaaliya iyo ku saleynta baahiyaha dadka barakcayaasha

12/14/2022
Somalia waxaa sanado ka jira barakac baahsan oo ay sababeen coladaha soo laalaabtay iyo dhibaatooyinka la xiriira cimilada. Dowladda iyo haya’daha caalamiga ah ayaa in muddo ah la tacaalayay in la yareeyo ama xal waara loo helo dhibaatada barakaca. Haya’daha caalamiga ah ayaa sameeya dadaallo lagu naqshadeynayo barnaamijyo lagu doonayo in xal waara loogu helo barakaca. Haseyeeshee, waxaa jira caqabado ay wajahayaan haya’daha oo la xiriira in ay fahmaan ama helaan xog ku saabsan duruufaha dhabta ah ee jira. Waxana lagama marmaan ah in barnaamijyada la doonayo in xaal waara loogu helo dadka barakacayaasha ah lagu saleeyo baahida dhabta ah ee dadkaas heysata. Haddaba, si arrimahaas loo fahmo, podcast-gan waxaa lagu falanqeynayaa caqabadaha hadda taagan ee barakaca la xiriira, kaalinta dowladda iyo haya’daha caalamiga ah iyo waxa uga qorsheysan iyo kaalinta qorshayaashaasi ay ku leeyihiin dadka barakacayaasha ah. Podcast-gaan oo ay iska kashnayaan Somali Public Agenda iyo ReDSS (Regional Durable Solutions Secretariat) waxaa marti ku ah Zahra Cabdi Maxamed oo ah Agaasimaha Xalka Waara iyo Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Cabdullahi Cabdi Xasan oo ah maamulaha guud ee ReDSS Soomaaliya, iyo Maxamed Cabdi Cabdullahi oo dadka barakacayaasha ka mid ah. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Duration:01:04:33

Ask host to enable sharing for playback control

Soo If-baxa Dhallinyarada Ciyaal Weerada ee Muqdisho: Sababaha iyo Xalka

11/16/2022
Sanadka 2021, waxaa gobolka Benadir kasoo if-baxay kooxo dhallinyaro ah oo loogu magac daray Ciyaal Weero. Kooxahan ayaa si gaar ah uga howlgala degmooyinka ku yaalla daafaha magaalada Muqdisho. Ciyaal Weero waxa ay ku hubeysan yihiin hubka fudud, sida mindiyo, baangado, toorey, ulo iyo mararka qaarkood bastoolado iyo qoryaha darandooriga u dhaca. Soo if-baxa dhallinyaradan ayaa saameyn ku yeelatay shacabka Muqdisho, gaar ahaan amaanka oo ah adeegga ugu muhiimsan ee asaasiga ah ee ay dowladu siiso dadweynaha. Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed iyo Maxamed Aadan ku falanqeynayaan sababaha keenay soo if-baxa Ciyaal Weero, saameynta ay ku yeesheen dadweynaha gobolka Benadir, iyo tallaabooyinka ay tahay in la qaado si xal loogu helo Ciyaal Weero. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Duration:00:33:41

Ask host to enable sharing for playback control

Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Benaadir: Caqabadaha iyo Xalka

10/1/2022
Kahor burbrukii dowlada Soomaaliya ee 1991-kii, adeegyada bulshadda guud ahaan, gaar ahaan adeegga caafimaadka, waxaa gacanta ku hayay dowladda dhexe. Kadib sanado laga shaqeynayay dib-u-yagleelidda hay’daha dowliga ah ee bixiya adeegga dadweynaha, waxaa suuragashay in adeegyada qaar ee dowladu bixin jirtay dib loo yagleelo. Adeegga caafimaadka gobolka Bendair ee ay dowladu bixiso ayaa kamid ah kuwa dib loo howlgaliyay, iyadoo kuwa gaarka ah ee baahida bulshada dabooli jiray ay weli kaalintooda qaataan. Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed, Qaasim Jimcaale & Maxamed Aadam ku falanqeynayaan guud ahaan adeegga caafimaadka, xaaladda adeegga caafimaadka ee gobolka Banaadir, caqabadaha horyaalla iyo sida lagu xallin karo caqabadahaas. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Duration:00:45:44

Ask host to enable sharing for playback control

Kaalinta uu Turkiga ku Leeyahay Bixinta Adeegyada Bulshada Muqdisho

4/6/2022
Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda daabacday warbixin iftiimineysa kaalinta hay’adaha Turkiga ee bixinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo kaabayaasha Muqdisho gaar ahaan jidadka laamiga ah iyo dhismayaasha. Warbixinta waxaa wada qoray Farxaan Isaaq Yusuf oo ah agaasime ku xigeenka Somali Public Agenda, Mahad iyo Maxamed Sharif oo ah cilmibaare katirsan SPA. Halkan ka dhageyso madal lagusoo bandhigay daraasadda laguna falanqeeyay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!

Duration:01:23:14