Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah-logo

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Education Podcasts

Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka. podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona. Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena, si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay, nafteenuna raali ku tahay. "Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".

Location:

United States

Description:

Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka. podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona. Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena, si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay, nafteenuna raali ku tahay. "Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".

Language:

English


Episodes
Ask host to enable sharing for playback control

EPO3 Xasuusin iyo xasilooni| Naftaada ka saamax doorashooyinkii qaldanaa!

5/5/2024
Xasuusinta maanta Murugo hadii aad dagaal kaga soo baxday ku faro adayg farxada , nabada iyo daganaanshiyaha aad heshay. Dooro deegaan munaasab ah iyo dad aad nabadaada ku ilaashato. Door xasuusta wacnaanta leh ee aan ku carqaladayn dooni .

Duration:00:11:25

Ask host to enable sharing for playback control

EPO2 Xasuusin iyo xasilooni| Dadka ka fagoow fogaanshiyo qurux badan.

4/30/2024
Qofka aydun dhaqan ahaan is af-garan waydeen ama si uun aydun nolosha ugu sii wada midoobi kari waydeen “واهجرهم هجرا جميلا “. Haajiraad qurux badan ka haajir ka fogaanshiyo qurux leh ka fagoow, masaafo nadiifana u jirso. Xasuusinta xalqadan. Afkaagu ruuxii uu waangiisa tirinayay shalay, Maanta isla afkaagii yuu xumaantiisa tirinin. Dadka sikale, wakhti kale iyo waayo kaleba waydin kulmin doonaane. Salam. 💚🍃

Duration:00:10:21

Ask host to enable sharing for playback control

EPO1 Xasuusin iyo xasilooni| Raali-galinta dadka.

4/25/2024
Xasuusinta xalqadan Bani aadamka awoodiisa waa la xadiday, waala xadeeyay waana la xakameeyay. Wixii se aad iinsaan ka heli waydo ilaahay xagiisa ka doono, ilaahay xagiisa ka raadso, ilaahayna xagiisana ka baadi doono. Waa ilaaha iska leh sifada kamaalka, dhamaystirnaanta, iyo isleekaanshiyaha. Waa rabiga aan agtiisa waxba laga waayin, agtiisa waxba laynagu yeelin. Talo saarashadiisana badbaada aynu bidno oo aynaan ku hungoobin. Ugu dambayn Waxkaste aynu kala doono oo aynu hadana kala wayno ee wanaag ah, rabbi baa leh oo awoodooda bixiya, ee xasuuso.

Duration:00:13:51

Ask host to enable sharing for playback control

Maxaynu uga baahanahay in aynu garab kala helno? |Taageerada maskaxda iyo Qur.aanka | Mental support.

3/22/2024
Fariimaha yar yar ee aynu helno ayaamaha aynu ugu baahida badannahay laabteena waxbay taraan oo meesha inagu bannaan ayay badh gufeeyaan oo dhaxan tiraan. Si taa la mid ah dadyowga aynu garabka erayadeena iyo wehelnimadeena ku siino ayaamaha nugeyl-koodana meel bay u buuxiyaan aanu garanahaynin ruuxa baahida u qaba mooyee ruux kale oo dibada ka taagani. Garab kala hela wakhtiyada adag🧡

Duration:00:30:25

Ask host to enable sharing for playback control

Talooyin gabdhaha quseeya 🌸

3/11/2024
Gabadhnimadu waa hal adayg-nimo iyo dhib qurux badan. 🌸🌸

Duration:00:10:06

Ask host to enable sharing for playback control

12 qodob oo kaa caawin doona u diyaar garawga bisha ramadaan.

3/3/2024
Waa 12 qodob oo aydun intiina badan garanaysaan laakiin aan jeclaaday in aan idin xasuusiyo si aydun ugu diyaar noqotaan gudo ahaan, dibad ahaan, iyo guri ahaanba bisha barakaysan ee ramadaan. Waa xalqad dhalinyarta aad u quseysa iyo sidoo kale cidkaste oo danayneysaba. 💛🌙

Duration:00:16:49

Ask host to enable sharing for playback control

Waa maxay sababta aynu wax u raagsano, marka aynu helno wixii aynu raagsanayna uga xiiso dhacno helida kadib?

2/21/2024
Xalqadan waxa aan kaga hadlay wax-yaalo dhawra oo quseeya qiimaynta wax-yaalaha aynu haysano, u fiirsashada quruxda ay leeyihiin wax-yaalaha yaryari iyo jawaabo laba su.aalood oo wakhti hore la i waydiiyay. Eray waliba wuxuu ka yimid qalbigeyga dhagaysi wanaagsan.💛

Duration:00:21:21

Ask host to enable sharing for playback control

Codka gudaha| الصوت الداخلي | Qalbiga iyo caqliga midkee go.aanka laga gaadhaa?

2/12/2024
Xalqadan waxa aan kaga hadlay Codka guduhu waxa uu yahay, qaybihiisa, noocyada uu u kala baxo, saamaynta uu inagu yeelan karayo ee togan iyo saamaynta uu inagu yeelan karayo ee taban. Waxa aan kaga hadlay caqliga iyo qalbiga codadkooda, kala duwanaan-shiyahooda iyo go.aan qaadashada. ugu dambayn waxa aan kaga hadlay muhiimada ay leedahay in aad iska xakamayso codka gudaha ee taban, kana war-qabto xiliga iyo xaalada uu caqligaaga qaybta dahsooni kugu dafcinayo in aad is canaanato.

Duration:00:24:38

Ask host to enable sharing for playback control

Garaadka caadifada|‎الذكاء العاطفي |xirfada fahamka iyo la dhaqanka naftaada iyo nafaha dadka kugu xeeran.

2/4/2024
Xalqadan waxa aan kaga hadlay waxa loo yaqaan Garaadka caadifada Emotional intelligence, garaadka caadifadu waa xirfada fahamka, la dhaqanka, maamulka, maaraynta, xakamaynta iyo af-garadka naftaada, nafaha dadka kugu xeeran ee ah dadyawga aad inta u badan la dhaqmayso iyo sidoo kale xirfada fahamka iyo wacyi u yeelasha a nolosha. waxyaalo mawduucan quseeya ayaan kaga hadlay xalqadan dhagaysi wanaagsan.

Duration:00:29:35

Ask host to enable sharing for playback control

Maxaan ka bartay aayadaha ugu horeeya suuratul baqra| Muhiimada Qur.aanka

1/22/2024
Ruuxdaada cibaadada iyo qur.aanka ku ilaali, marxalada dhalinyarnimadana ilaahay xadhigiisa adkee Xalqadan waxaan kaga hadlay faa.idooyinka qur.aanka. Waxaan kaga hadlay wax-yaalo aan ka bartay aayadaha ugu horeeya suuratul baqra. Waxaan kaga hadlay marxalda dhalinyarnimada iyo dhibteeda, waxaan kaga hadlay toosnaanta, dhawrsoonaanta iyo hanuunkaba in rabbi cidda uu doono uu waafajiyo.

Duration:00:24:03

Ask host to enable sharing for playback control

Ka kabashada dhaawacyada caruurnimo| healing from childhood trauma.

1/14/2024
Xalqadan waxa aan kaga hadlay 8 wax oo aasaas u ah ka kabashada dhaawacyada caruurnimo, sidoo kale waxa aan kaga hadlay labada dhaawac ee ina soo gaadhi karaya oo kala ah ka waynaanimo inagu soo gaadhi karaya iyo ka caruurnimo inagu soo gaadhi karaya. Waxaan kaga hadlay sida ay saamayn inoogu yeelan karayaan labaduba iyo sida uu uga saamayn xoogan yahay dhaawaca yaraanimo laynoogu gaystaa’ dhaawaca waynaanimo inagu gaadha. Sidoo kale waxaan kaga hadlay sida ay tahay in aad dhaawacyadaa ula dhaqantid iyo sidoo kale talaabooyinka ugu horeeya ee ad kaga bogsan kartid. Xasuusin Hadii aad dareemayso in dhaawaca yaraanimo kugu soo gaadhay uu saamayn aad ah kugu hayo xad aad ka fakarayso in aad is disho ama aad dhimato fadlan dhakhtar, la taliye, ama qof aqoon u leh oo therapy kuu sameeya la xidhiidh .

Duration:00:28:42

Ask host to enable sharing for playback control

Qaybteena caruurnimo iyo dhaawacyadii yaraanimo| Waa maxay qaybtaada caruurnimo | inner child

12/23/2023
Xalqadan waxa aan kaga hadlay qaybteen caruurnimo [ inner child ]. الطفل الداخلي Waxa ay tahay qaybteena caruurnimo iyo dhaqamada ama afcaasha lagu garto, Meelaha aynu kaga dhaqano iyo cida aynu kula dhaqmi kartno. Waxa kaloon kaga hadlay dhaawaca yaraanimo inagu soo gaadhaa sida uu nolosheena u saamaynayo sidoo kalena qaybteena caruurnimo uu u saamayn karayo. Xalqadan wax-badan baan ku sharaxay oo quseeya inner child oo aan ku rajo way-nahay in aydun ka faa.idi doontaan hal ama laba shay. Dhagaysi wanaagsan🧡

Duration:00:39:46

Ask host to enable sharing for playback control

2023 dabiicadahan nabad galyee | shakhsiyada daciifka ah. ضعف الشخصية

12/4/2023
Xalqadan waxa aan kaga hadlay 9 dhaqan ama 9 dabiicadood oo aynu yeelan karno, isla markaana aynu ku yeelan karno qofnimo jilicsan, daciifnimo shakhsiyadeed iyo nugayl qofnimo. Waxaan rajaynayaa in ay wacyi kugu dari doonto, sidoo kale wax kugu biirin doonto. Mahadsanidin.💛🧡

Duration:00:35:25

Ask host to enable sharing for playback control

3 shay oo kaa caawin doona inaad dareenkaaga fahanto | maamulka dareemada.

11/25/2023
Xalqadan waxa aan kaga hadlay Maamulka, maaraynta la dhaqanka iyo fahmida dareemada. Waxa aan kaga hadlay 3 shay oo kaa caawin doona inaad fahanto dareenkaaga, inaad la dhaqanto waxa aad dareemayso sidoo kalena aad maamusho. Fahamka dareenkaagu waxa uu kaa caawin doonaa in aad noolaato nolol aad la dhaqmi karayso naftaada, noloshaada iyo noolaan-shiyahaaga.

Duration:00:30:04

Ask host to enable sharing for playback control

Jacaylka caqliga, jacaylka qalbiga iyo jacaylka isu miisaaman | ogaalka quseeya jacaylka Q2

11/17/2023
Xalqadan waxa aan kaga hadlay 3 ka mid noocyada ay dadku isu jeclaadaan, oo kala ah jacaylka caqliga, jacaylka qalbiga iyo jacaylka isu miisaaman ee ah jacaylka ruuxda. Waxa aan kaga hadlay dadka caqliga iska jeclaada sifooyinkooda, dadka qalbiga iska jeclaada sifooyinkooda iyo dhibaatooyinka ay kala dhaxlaan mudada wada xidhiidhkooda, haday waalid yihiin, haday saaxibada yihiin, haday dadka guurka wadaagaya yihiin iyo haday dadka haasaawaya yihiinba. Waxa kaloon kaga hadlay marxalada jacayl ee isu miisaaman sida loo gaadhi karayo.

Duration:00:43:58

Ask host to enable sharing for playback control

Ogaalka quseeya jacaylka!!, waa maxay jacaylku? Muhiimada jacaylka.

11/7/2023
Xalqadan waxa aan kaga hadlay wacyiga caamka ah ee ku aadan aragtideena dhanka jacaylka, ka bulsho ahaan. waxa aan kaga hadlay muhiimada jacaylka iyo sida guud waxa uu jacaylku yahay. Xalqadan xalqada xigta waxa aan idinkula wadaagi doonaa 3 nooc oo aynu jacaylka u dareeno, isu jeclaano ama dadku ay isu jeclaadaan. Waxa aan idinkula wadaagi doonaa kala duwanaan-shiyaha jacaylka iyo iinsaanku sida uu ukala dareemo aniga oo adeegsanaya maraaxisha wacyiga iyo qofka.

Duration:00:18:04

Ask host to enable sharing for playback control

5 wax oo kuu fududeyn doona in aad naftaada barato.| muhiimada is-barashada.|know thyself|

10/29/2023
Xalqadani waxa ay ka hadlaysaa; Fahamka guud ee is barashada, muhiimada ay leedahay is barashadu ama muhiimada ay qofka uleedahay in uu is bartaa, waxa kale oo aan kaga hadlay 5 wax oo samayntooda iyo yeelidoodu ay kuu fududayn doonto in aad naftaada barato hadii aad dabaqdo. way ka badan-yihiin laakiin 5 ayaan u arkaa in ay aasaas u tahay kolka aad doonayso in aad naftaada wax ka barato.

Duration:00:28:27

Ask host to enable sharing for playback control

Waa maxay sababta aad dareen ahaan u daalan-tahay? | Emotional exhaustion |

10/20/2023
Xalqadani waxa ay kaa caawin doontaa in aad fahanto sababta aad maskax ahaan ama dareen ahaan u daalan-tahay.

Duration:00:29:39

Ask host to enable sharing for playback control

Ruux kaste oo dareen ahaan daalayoow, way kuu hagaagi doontaa ilaahay idankiisa❤️‍🩹

10/14/2023
Marar badan dibad ahaan ama jidh ahaan in aynu u daalno ayaa dhaanta gudo ahaan in aynu u daalno. Jidh ahaan marka aynu u daalno waxa aynu awood u yeelanaa in aynu gama.no, in aynu nasano iyo in aynu jiifka nafis ku dareeno, balse dareen ahaan hadaynu u tacabno’ hurdona inooma dhadhanto, jiifna kuma ladno, dhinaca aynu dhulka iyara dhignaana daalka inagama biiyo, fadhina nafis kuma dareeno. In-badan oo idinka mid ahina waa hubaanti in ay dareemayaan, ama ay hore u dareemeen kolka ay arini ku timid ee ay xalna waayeen, haba ka gudbeene. Xalqadan waxaan jeclaaday in qoraal ka mid ah qoraaladayda aan idinla wadaago haba yaraadee. Ruux-kaste oo daal gudeed, tacab dareen iyo nasiino la.aan gudeed dareemayoow way kuu hagaagi doontaa ilaahay idankiisa. Waan ku jeclahay🧡

Duration:00:12:27

Ask host to enable sharing for playback control

Waa maxay wacyigu ? | Kala duwanaan-shiyaha qofka ogaalka leh iyo qofka aan ogaalka lahayn|"الوعي "

9/29/2023
Wacyigu waa urursiga khibradeed ee isku gaadh gaadha ama isku biir biirsada ruuxa gudihiisa. Waa xaalada ay qofka afkaartu caqligiisa ku kaydsanto, kadib ay afkaartaasi isu gadido khibrad. xalqadan ayaan kaga hadlay qaybo ogaalka quseeya dhagaysi wanaagsan.

Duration:00:54:06